5 entries

Articles Published on November 8, 2012

Bannaanbax lagu taageeraayo xukuumadda cusub oo Muqdisho ka socda

Bannaanbax lagu taageeraayo xukuumadda cusub, ayaa waxa uu ka soconayaa magaalada Muqdisho, kaa oo ay ka qeyb qaadanayaal boqollaal dadweyna ah oo isaga kala yimid deegaannada gobolka Banaadir.  

Ciidamada AMISOM oo dib ugu noqday fariisinkoodii Baladweyne muddo ka badan bil oo ay ka maqnaayeen

Ciidamada AMISOM ee Baladweyne joogay, ayaa dib ugu nqoday fariisimadooda magaalada Baladweyne, oo ay ka baxeen 25-kii bishii September ee sanadkan, ka dib daadad xooggan oo  magaalada qeybo badan oo ka mid ah ku dhuftay.

Hub laga soo saaray godad qabuuro loo ekeysiiyay iyo guddi dowladdu u magacowday Kismaayo oo loo diidey inay gudaha u galaan magaalada

Ciidammada huwanta ah ee Kismaayo jooga, ayaa maanta howl gal ay ka sameeyeen galbeedka magaalada Kismaayo waxay ku soo qabteen hub tiro badan, oo maleeshiyaadka al-Shabaab halkaasi ku qarsaday.  

Bananbax lagu taageeraayo xukuumadda, looguna dalbanaayo baarlamaanka inay ansixiyaan oo Muqdisho ka dhacay

Bannaanbax lagu taageeraayo xukuumadda cusub, ayaa waxa uu ka dhacya maanta magaalada Muqdisho, kaa oo ay ka qeyb boqollaal dadweyna ah oo isaga kala yimid deegaannada gobolka Banaadir iyo madax ka tirsan dowladda Soomaaliya.  

Askari dilay qof rayid ah oo Baladweyne lagu xiray

Ciidamada booliska ee magaalada Baladweyne, ayaa gacanta ku dhigay shalay galinkii dambe mid ka mid ah askarta ciidamada dowladda Soomaaliya kana mid ahaa ilaaladii guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yusuf Axmed Hagar, kaas oo loo heysto dilka qof labadaanyiiste ah oo doobbi ka shaqeyn jiray oo Baladweyne habeen ka hor lagu dilay.  
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS