5 entries

Articles Published on November 7, 2012

Naafo deeq la gaarsiiyay gudaha Baladweyne

Deeq lacageed oo ay iska soo ururiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan ka soo jeedda ee ku dhaqan dalalka Mareykanka, Uganda iyo Ingriiska, ayaa maanta la gaarsiiyay qaar ka mid ah naafada ku dhaqan magaalada Baladweyne.

Hoggaamiyaha al-Qaacidda oo Shabaab la dar daarmay

Hoggaamiyaha al-Qaacidda Ayman al-Zawahri, ayaa ugu baaqay kooxda al-Shabaab ee xiriirka la leh al-Qaacidda in ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah ciidamada shisheeye ee Soomaaliya jooga.

Madaxweyne Obama oo Dib loo Doortay

Madaxweyne Barack Hussein Obama ayaa mar kale 4 sanno dib loogu doortay jagada madaxtinimada Maraykanka kaddib markii uu helay in kabadan 303 codadka electoroolka ee doorashada Maraykanka.

Puntland oo xabsiga dhigtay mid kamid ah kaaliyayaashii madaxweyne Cadde Muuse

Ciidamada ammaanka ee magaalada Boosaaso, ayaa maanta xabsiga u taxaabay xog-hayihii guud ee madaxweynihii hore ee Puntland Jeneral Cadde Muuse Xirsi.  

Gaari ku qarxay meel u dhow xarrunta Baarlamaanka oo uu qof ku dhintay

Hal ruux ayaa inta la xaqiijiyay ku dhintay mid kalena wuu ku dhaawacmay kadib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay goob ay gawaaridu dhigtaan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya marka ay ku kulmayaan xarruntooda golaha shacabka ee Muqdisho.  
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS