QM oo ka doodeysa waqti u kordhinta AMISOM

Kaaliyaha xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka uqaabilsan dhinaca siyaasadda Wendy Sherman, ayaa sheegtay in golaha ammaanka ee QM ka doodayaan u cusbooneysiinta waqtiga AMISOM ay Soomaaliya joogayaan.

Wendy Sherman, oo kahadlay shirkeeda Jaraa'id ee Nairobi ku qabatay Nov 05, 2012.

Wendy Sherman, oo kahadlay shirkeeda Jaraa'id ee Nairobi ku qabatay Nov 05, 2012.

Toddobaadkii tagay, ayay golohu waqti kooban oo 7-aad ah ugu dareen AMISOM inta ay Soomaaliya joogayaan.

Laakiin Wendy Sherman, ayaa muujisay in caalamkoo idil ay hadda taageersan yihiin howsha ay AMISOM waddo iyo sidii Soomaaliya dhibka looga saari lahaa.

Waxay sheegtay in Mareykanku uu sii wadi doono taageerada ay siinayaan dowladda cusub ee Soomaaliya shacabkeeda.

Hadalkaasi, ayay Kaaliyaha xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka uqaabilsan dhinaca siyaasadda ka sheegtay magaalada Nairobi oo ay shalay warbaahinta kula hadashay, maalin uun ka dib booqasho ay Muqdisho ku tagtay.

 Sagal Radio

Section  Somali
Categories   Community Immigration Local News
Tag  QM

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS