Somaliland oo ka hadashay xilka DF ay u magacowday Fowsiyo Yusuf Xaaji Aaden

Maamulka Somaliland, ayaa ka hadlay xilka sare ee wasiirnimo ay dowladda federaalka Soomaaliya u magacowday Fowsiyo Yusuf Xaaji Aaden, oo ka mid ah aqoon yahannada ka soo jeeda deegaannada maamulka Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa warbaahinta u sheegay in haweeneydaasi wasiirka arrimaha dibadda ahna raysla wasare ku xigeenka Soomaaliya loo  magacabay aanay noqon doonin mid wax ka badasha mowqifkoodii ku aaddana gooni isaga taagga Soomaaliya inteeda kale.

Wasiirka, ayaa sheegay in ay ayaan darro tahay in wali dowladda dhexe ee Soomaaliyeed u xusul duubeyso in ay sheegato deegaannada maamulka Somaliland.

Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ahna raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Fowsiyo Yusuf Xaaji Aaden, ayaa noqoneysa qofkii ugu horeyay ee haweenay ah uu xilkan ka qabto jamhuurriyadda Soomaaliya tan iyo xurnimadii ee 1960-kii.

Fowsiyo, ayaa dhinaca kale ka mid ahayd guddoomiyaha mid ka mid ah xisbiyadii siyaasadeed ee Somaliland looga dhawaqay tan iyo markii nidaamka axsaabta Somaliland laga furay Somaliland, markaas oo Xisbigeeda uu ka mid noqday xisbiyo ku haray sharuudihii loogu tala galay nidaam xisbiyeedka.

Sagal Radio

 

Section  Somali
Categories   Community Immigration Local News
Tag  Somaliland

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS