Ammaanka caasimadda Soomaaliya oo la adkeeyay

Hay'adda nabad sugidda qaranka, ayaa shaaca ka qaadday in ammaanka caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ay wax badan iska badaleen, markanna la isku haleyn karo, kadib howl gallo amniga lagu sugayo oo si isdaba joog ah ay ciidamadu ka sameeyeen Muqdisho.

Ciidamo ka mid ah kuwa dowladda Soomaaliya, oo howl gal ku guda jira.

Ciidamo ka mid ah kuwa dowladda Soomaaliya, oo howl gal ku guda jira.

Taliyaha ciidamada nabad sugidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg, ayaa warbaahinta Muqdisho ugu sheegay shalay, in nabad sugidda oo kaashaneysa shacabka gobolka ku dhaqan ay ku guuleysteen, xaqiijinta ammaanka.

Ereg, ayaa sheegay in dhowr weerar oo Shabaabku qorsheynayeen ay ka hortageen.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay inay hadda u xiran yihiin dad aad u fara badan oo Shabaabnimo lagu edeeynaayo, kuwaas oo baaritaanno uu ku socdo iyo kuwa kale oo caddeystay inay Shabaab ka mid yihiin.

Taliyaha ciidamada nabad sugidda gobolka Banaadir, ayaa ugu baaqay dadweynaha gobolka ku dhaqan, inay sii wadaan la shaqeynta waaxyaha ammaanka si loo joojiyo isku dayo kaste oo Shabaab ku carqaladeynayaan ammaanka magaalada Muqdisho.

Sagal Radio

Section  Somali
Categories   Community Immigration Local News
Tag  Muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS