Guddoomiyihii Majmaca Culimada Soomaaliyeed oo dhintay

ALLAHA u naxariistee waxa magaalada Muqdisho maanta lagu aasay guddoomiyihii majmaca culimada Soomaaliyeed Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow, oo xalay Muqdisho ku dhintay.

Guddoomiyihii Majmaca Culimada Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow, Rabbi Naxarriistiisa Janno ha siiyo, xalay ayuu Muqdisho ku dhintay.

Guddoomiyihii Majmaca Culimada Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow, Rabbi Naxarriistiisa Janno ha siiyo, xalay ayuu Muqdisho ku dhintay.

Dhicisow, ayaa ahaa nin xanuunsan waaayadan, waxana uu ka mid ahaa culimada sida weyn looga qaddariyo Muqdisho iyo guud ahaanba dalka Soomaaliya.

Waxa uu ahaa sidoo kale nin si weyn uga soo horjeeday dagaalka al-Shabaab ay dalka ka wadeen, waxana uu waayadan qorsheynayay isku dayo banaanbaxyo lagu abaabulaayo oo looga soo horjeedo ergeyga gaarka ah ee QM Soomaaliya u qaabilsan Augustine Mahiga.

ALLAHA u raxmadee Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow, waxaa aaskiisa ka qeyb galay qeybaha bulshada ee gobalka Banaadir iyo culima'uddiin kale.

Sagal Radio

Section  Somali
Categories   Community Local News
Tags  Culimada Majmaca Soomaaliyeed

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS