Musharixiinta u taagan xilka madaxweynanimo ee dalka Soomaaliya, ayaa maanta shuruud cusub la hor dhigay. Shuruuddaasoo daba socota shuruudo kale oo hore loo hor dhigay musharixiintaas.
Guddiga doorashada madaxtinnimada dalka Soomaaliya, ayaa
shaaca ka qaaday illaa iyo shan musharax oo ka mid ah 31 musharax oo soo
gudbiyay araaji’dooda u tartamidda xilka madaxtinnimada, ay ka gudbeen
sharuudihii la hordhigay.
Mid ka mid ah odayaashii dhaqanka ee soo xulayay xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa xalay laga afduubtay hoygiisa oo ku yaalla xaafadda Black Sea degmada Hodan gobalka Banaadir.
Ku dhawaad 200 oo arday, ayaa Isniintii ka qalan jabisay Jaamacadda Soomaaliya (University of Somalia) ee magaalada Muqdisho, iyadoo ardada qalan jabisayna ay muujiyeen dareenkooda farxadeed.