1095 entries

Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo ka doodi doona barnaamijka maamul u sameynta dalka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in maalmaha soo socda baarlamaanka la horkeenayo barnaamijka maamul u sameynta gobolada dalka, kaasoo horay Xukuumada u ansixisay.

Madax uu ku jiro kan Soomaaliya oo Addis Ababa ku sugan

Madaxweynayaasha dalalka Bariga Afrika ee ku bahoobay ururka IGAD ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, kaasoo ay kaga hadli doonaan arrinta ka taagan gobollada Jubbooyinka.

IGAD "Maamul u sameynta Soomaaliya, hallooga dambeeyo dowladda"

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD oo kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxay ku go'aansadeen in dowladda Somalia ay qabato shir deg-deg ah oo oo loogu yeerayo dhammaan qaybaha ay quseyso ee ku nool gobollada Jubbooyinka, si shirkaas uu uga soo baxo Road-map lagu dhisayo maamul KMG ah oo laga hirgeliyo Jubbooyinka.

Duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sheegay inay jiraan maleeshiyaad waddooyinka qaar isbaaro dhigta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan ayaa sheegay inay jiraan maleeshiyaad madax banaan oo aanay cidna ka amar qaadan, kuwaasoo isbaarooyin soo dhigta xaafadaha Muqdisho.

Guddi ay dowladdu u xil-saartay arrimaha Jubbooyinka oo hadlay

Gudigii ka koobnaa 16-ka xubnood ee dowladda Soomaaliya u magacoowday arimaha Jubooyinka, mudooyinkii u danbeeyayna ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay halka ay u marayaan kulamo maalmihii u danbeeyay ay la lahaayeen waxgaradka iyo odoyaasha kasoo jeeda Jubooyinka.

Soomaaliya iyo Suudaan oo heshiis dhinaca ciidamada ah wada gaaray (Sawirro)

Dowladda Soomaaliya iyo Sudan ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan dhinaca ciidamada, kaasoo dowladda Sudan uga qeyb qaadaneyso dhismaha ciidamada iyo qalabeyntooda.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo Suudaan kula kulmay Madaxweyne Al-Bashiir

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa maanta la kulmay madaxweynaha waddanka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir.

Rw Saacid oo qaabilay wakiilka midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu hogaaminayo wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya Amb. Maxamed Saalax Anaadif iyo xubno ka tirsan saraakiisha sar sare ee Amisom.

Baarlamaanka oo ka noqday mowshin ka dhan ahaa Xukuumadda Soomaaliya

Xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta dib uga laabtay mowshinkii ay ka keeneen xukuumadda uu hoggaamiyo raysal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Howl gallo amniga lagu sugayo oo ciidamo ay Muqdisho ka wadaan

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saaka howl gal ka wada degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, iyadoo wax dhaq dhaqaaq ah aysan ka jirin xaafadaha ciidamadu howl galka ka wadaan.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS